4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Ciidamada kenya oo heegan la gelay kaddib weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen degmadda Beled-Xaawo

 
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Saraakiisha Ciidamada booliska iyo militeriga kenya, ayaa ciidamada ku amray in ay si weyn u adkeeyaan ammaanka magaalladda Mandera ee waqoyi bari dalka kenya, kaddib markii Al-Shabaab ay shalay weerar ku qaadeen degmadda Beled-Xaawo, oo aan ka fogeyn xuduuda Kenya iyo Somalia.

Ciidanka ayaa tan iyo shalay waxaa ay ku jiraan dhiifanaan xooggan, waxaana ciidamo farabadan la geeyay xuduuda.

Dadka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada ayaa shalay sheegay in ay maqlayeen rasaas iyo qaraxyo ka dhacayay degmadda Beled-Xaawo, taasi ay sababtay in ciidamaa heegan ay galaan.

Deegaanno ka tirsan Jubbooyinka iyo Gedo, waxaa ku sugan ciidamada Kenya oo taageeraya ciidamada dowladda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa dhowr-jeer weeraro ka geystay magaalladda Mandera ee waqoyi bari dalka kenya, waxaana weeraradaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa toban kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-Shabab ay shalay ku qaadeen magaalladda Beled Xaawo.

Dadka magaalladda ayaa sheegay in Al-Shabab ay magaalladda soo weerareen salaaddii subax iyagoo laba dhinac kasoo weeraray.

Kooxda Al-Shababa ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo ku yaalla duleedka magaalladda halkaasi ay la beegsadeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo weerar ciidan.

Sidoo kale waxaa ay weerareen saldhigga booliiska iyo xarunat degmada, waxaana la sheegayaa inay ugu yaraan laba qof toogteen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia