3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Diyaarado dagaal oo duqeeyay degaanno hoos-yimaada degmadda Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

 
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Maamulka Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegay in xalay diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanno hoos-yimaada degmadda Beled-Xaawo.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi, oo warbaahinta u warramay ayaa sheegay in deegaannada la duqeeyay ay kamid yihiin Qabar-sheeq iyo Bur-sagaar, sida uu hadalka u dhigay.

Md. Al-qaadi, ayaa sidoo kale sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, loogana gubay ila Saddex gaari oo ay lahaayeen.

“Diyaaraddaha duqeynta fuliyay ayaa waxaa laga leeyahay dowladdaha aan deriska nahay, dib ayaan ka faah faahin doonaa khasaaraha rasmiga ah.” Ayuu yiri Guddoomiye Al-qaadi.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa toban kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-Shabab ay shalay ku qaadeen magaalladda Beled Xaawo.

Dadka magaalladda ayaa sheegay in Al-Shabab ay magaalladda soo weerareen salaaddii subax, iyagoo laba dhinac kasoo weeraray.

Kooxda Al-Shababa ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo ku yaalla dulleedka magaalladda, halkaasi oo ay la beegsadeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo weerar ciidan.

Sidoo kale waxaa ay weerareen saldhigga booliiska iyo xarunat degmada, waxaana la sheegayaa inay ugu yaraan laba qof toogteen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
9/12/2017 3:24 PM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) – Dowlad gobolleedka Puntland ayaa taageeray go'aankii Xukuumada Soomaaliya dhawaan ka qaadatay wareejintii C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Jabhada ONLF.

9/12/2017 12:40 PM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) – Iyadoo maalintii Sabtidii todobaadkan uu baaqday kulan la filayay in looga dooddo arinta ama Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayeey mar kale guddiga joogtada ah ee baarlamaanka go’imiyeen in kulanka maalinta Berri ah dhacaya looga dooddi doono go’aanka xukuumada ay ka qaadatay dhiibistii Qalbi-Dhagax.

9/12/2017 10:19 AM EST
Talaado, September 12, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay xafladda daah-furka barmaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga Kulmiye,taas oo ay ka soo qaybgaleen madaxda sare ee xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga.

9/12/2017 10:04 AM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) – Afar ruux oo u dhalatay dalka Burundi ayaa lagu qabtay subaxnimadii hore Talaadadii maanta magaalada Marsabit oo ka tirsan Isiolo dalka Kenya, waxaana la sheegay in raggan la qabtay damacsanaayeen in ay ku biiraan xarrakada Al-shabaab.

9/12/2017 9:41 AM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Xarrakada Al-shabaab ayaa dib xoriyadooda u siisay labo gabdhood oo howlo samafal ah ka wada gobolka Hiiraan labo bilood ka hor.

9/12/2017 8:42 AM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta magaalladda Muqdishu kula kulmay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen.

9/12/2017 3:02 AM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Hoggaamiyihii hore ee kooxda Al Shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa maalmaha soo socda la filayaa in uu gaaro magaalladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida uu sheegay Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed.

9/12/2017 1:50 AM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn dhinaca dhaqaallaha ah kusoo rogay dalka Kuuriyada Waqooyi.

9/12/2017 1:45 AM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL)– Iyadoo Afar cisho ka harsan tahay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa magaalada Jowhar ka soconaya Ol’ole xoogan oo ay wadaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

9/12/2017 1:32 AM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Saraakiisha Ciidamada booliska iyo militeriga kenya, ayaa ciidamada ku amray in ay si weyn u adkeeyaan ammaanka magaalladda Mandera ee waqoyi bari dalka kenya, kaddib markii Al-Shabaab ay shalay weerar ku qaadeen degmadda Beled-Xaawo, oo aan ka fogeyn xuduuda Kenya iyo Somalia.

9/12/2017 1:10 AM EST
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Xaafadda Garsoor ee hoos-timaada Magaalladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Muduga, waxaa xalay lagu dilay nabadoon caan ka ahaa halkaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.