4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Wadahadal Somaliland iyo Khaatumo ugu soo dhamaaday Caynabo

 

Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Wadahadalada labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socdey magaalada Caynabo Somaliland iyo Khaatumo ayaa soo dhamaaday kaas oo ay labada dhanacba sheegeen in lagu guulaystey.

Kulankan oo gabagabdiisii ay saxaafadda la hadleen Wasiir u duulaha waxbaradhada Somaliland Maxamed Xaaji Aadan iyo Wasiirka Maaliyada Khaatumo Xassan Muuse Cawl.

"Shirkan waxaa uu ku saabsanaa dhisidda ajandaha shirka loo dhan yahay waxana ku celinaynaa gudiga 16ka bishan waana isku afgaranay" sidaa waxaa yiri Maxamed Xaaji Aadan.

Sidoo kale Xassan Muuse Cawl ayaa ku  raacay isagoo intaas raaciyey "waxaan leeyahay dadku ha aaminaan wanaagna saadaaliyaan" 

Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin labada dhinaca ah oo ay kamid lahaayeen Keyse Cabdi Yuusuf W. Amniga Khaatumo, Saleebaan Ciise Xaglotoosiye iyo siyaasi aad uga dhexmuuqda wadahadalada xilna aan hayn Baashe Cali Jaamac.

Kulankan oo la shaacin wixii laysla qaatay ayaa shaki ay fiiqsadeen dadka degaanada Khaatumo metelayso, taas oo haatan ay hoos u dhac ku imaanayso marba marka ka danbaysa, waxaan la ogaan doonaa 16 bishan.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]