3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Aqalka sare oo dib u dhigay dooddii ay maanta ka yeelan lahaayeen kiiska Qalbi-Dhagax

 

Isniin, September,  11, 2017 (HOL) – Xildhibaannada Aqalka sare ayaa dib u dhigay dooddii ay maanta ka yeelan lahaayeen go’aankii ay xukuumada ka qaadatay kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya.

Guddoomiyaha gollaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa maalintii shalay sheegay in ajandaha kulanka maanta uu noqon doono doodda ku saabsan kiiska Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax iyo go’aanka ay ka qaadatay xukuumada.

Hasse ahaatee markii uu furmay kulankii maanta ayaa la sheegay in qaar ka mid ah xubnaha Aqalka sare soo jeediyeen in ajandaha laga saaro kiiiska Qalbi Dhagax, halka xildhibaanno kalena ka soo horjeesteen soo jeedinta dhinaca kale.

Buuq iyo jahwareer hareeyay kulanka kaddib ayuu guddoonka soo jeediyay in cod la galiyo aragtiyada iska soo horjeeda ee xidlhibaannada.

21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo kiiskan, isla markaana laga saaro ajandaha maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in ajandaha kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loo dhigay, illaa ay ka soo dhamaaneyso dooda Golaha shacabka oo wali uu kiiskan ka furan yahay.

Fadhigii Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa sidan oo kale waxaa dib u dhac ku yimid kulan ay arintan ka yeelana lahaayeen xildhibaannada gollaha shacabka oo qaarkood xukuumada ku eedeeyay in ay si ku talagal ah u baajisay kulanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/11/2017 10:36 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.

9/11/2017 10:05 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Wadahadalada labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socdey magaalada Caynabo Somaliland iyo Khaatumo ayaa soo dhamaaday kaas oo ay labada dhanacba sheegeen in lagu guulaystey.

9/11/2017 9:33 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn hotelka Weheliye wadadda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

9/11/2017 4:01 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo ay saaka aroortii la wareegeen Maleeyshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ayaa haatan lagu soo warmayaa in ay xaaladeedu tahay mid kacsan, ayadoo xoogaggii Alab-shabaab ee saaka soo weeraray ay isaga baxeen.

9/11/2017 2:27 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa sheegay mashruuca lagu shaqaalleysiinayo 1,000-ka dhallinyaro in ay u-jeedkiisa tahay sidii dhallinyaradaasi ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dagaalka ka socda dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Abuu Muscab oo ah Afhayeenka kooxda.

9/11/2017 1:49 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya loo diyaarinayo sidii ay ciidamadda AMISOM ugala wareegi lahaayeen guud ahaan Ammaanka Dalka, taasi oo haatan qorsheheeda uu socdo.

9/11/2017 1:20 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa maanta lagu wadaa in ay cadeeyaan mowqif-kooda ku aadan wareejintii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo go’aankii kasoo baxay golaha wasiirada ee ku saabsanaa arrinta jabhadda ONLF.

9/11/2017 12:57 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee laxiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaad Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

9/11/2017 12:42 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Saddex nin oo Bistoolada ku hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe Suuqa Bakaaraha ku dilay qof dumar ah, iyagoona dilka kaddib goobta ka baxsaday.

9/11/2017 12:21 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa saaka dagaal xooggan kula wareegay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.