4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Faahfaahin ku saabsan dagaalka saaka ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo ay saaka aroortii la wareegeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa haatan lagu soo warmayaa in ay xaaladeedu tahay mid kacsan, ayadoo xoogaggii Alab-shabaab ee saaka soo weeraray ay isaga baxeen.

"Xaaladda magaalada way kacsantahay, Al-shabaab way ka baxeen, ciidamadii kalena ma soo gaarin, laakiin waxaan maqleeynaa rasaas," sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo isagoo magaciisa qarinaya la hadlay shabakadda HOL.

Shariif Axmed Taajir oo kamid ah warieyayaasha ka howlgala Baladxaawo oo markii uu dagaalka dhacayay ku sugnaa magaalada ayaa HOL u sheegay in dagaalku ahaa mid xooggan oo ay labada dhinac is weeydaarsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

"Xerada 1-aad ee ciidamada oo ku taallay duleedka bari ee magaalada ayaa lala wareegay, waxaa lagu weeraray gaari UD Qarax laga soo buuxiyay iyo weerar toos ah, ciidamadii ku sugnaana way isaga baxeen," Ayuu hadalkiisii raaciyay.

Dadka deegaanka ayaa inoo Xaqiijiyay in Shabaab ay toogasho ku dileen nin ka ganacsan jiray gaadiidka oo lagu magacaabo Faysal Cabdi Cali, kaa oo la sheegay in ay gurigiisa kala baxeen.

Ciidamadii ku sugnaa Baladxaawo ayaa la sheegay in ay dib isu soo abaabuleen, haataanna ay ku wahanyihiin degmada oo ay Al-shabaab isaga baxeen.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in dad badan oo shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay madaafiic lagu soo tuuray magaalada.

Weerarkii saaka ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland oo aan la xiriirn ay inoo sheegeen in ay dib faahfaahin ka bixin doonaan.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama soo saarin dhacdadan, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.