4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Al Shabaab oo ka hadlay mashruuca maamulka Gobolka Banaadir uu ku shaqaaleysiinayo 1,000-ka dhallinyaro

 
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa sheegay mashruuca lagu shaqaalleysiinayo 1,000-ka dhallinyaro in ay u-jeedkiisa tahay sidii dhallinyaradaasi ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dagaalka ka socda dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Abuu Muscab oo ah Afhayeenka kooxda.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay beegsan doonaan qof kasta oo ka qeyb-qaata mashruucaasi, waxaana ay baaq u direen waalidiinta Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo 5-tii bishan ka hadlayay munaasabad loo qabtay Bandhiga shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay habka loo shaqaaleysiinayo 1,000 dhalinyaro Soomaaliyeed ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la daah furay sida uu hadalka u dhigay dhawaaqii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo horay u ballanqaaday in 1000 dhalinyaro Soomaliyeed ah la shaqaaleysiin doono.

17 degmo ee Gobolka Banaadir ayaa degmo walbo waxaa la siiyay 58 qof marka la isku daro tiro ahaan waxa ay gaartay 984 qof, 14 kasoo hartay waxaa loo sameynayaa qorshooyin kale oo lagu shaqaaleysiinayo sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Mashruuca shaqaalleysiinta dhallinyaradda ayaa waxaa maalgelinaya Bankiga Adduunka iyo QM.

Hiiraan Online, News Desk