4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta ka doodaya mowqif-kooda ku aadan wareejintii Qalbi-Dhagax iyo go’aankii xukuumadda

 
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta lagu wadaa in ay cadeeyaan mowqif-kooda ku aadan wareejintii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo go’aankii kasoo baxay golaha wasiirada ee ku saab-sanaa arrinta jabhadda ONLF.

Kalfadhiga xildhibaannada Aqalka Sare oo maanta oo isniin ah furmaya, ayaa waxaa ajandihiisa ugu horreeyo looga doodi doonnaa arrinta sarkaalka Qalbi-Dhagax, kaas oo dhawaan loo-gacan geliyay dowladda Ethiopia.

Cabdi Xaashi C/laahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare, ayaa warbaahinta gudaha Magaalladda Muqdishu u sheegay in ajandaha kulanka maanta uu ku saabsanyahay Qalbi-Dhagax.

Dhinaca kale Kulankii Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, ee lagu waday in sabtidii uu furmo ayaa waxaa uu u baaqday kooram la’aan, waxaana kulanka looga hadli lahaa arrinta Qalbi-Dhagax.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa madasha ka sheegay inuu baaqday kulankii Baarlamaanka ee maanta, maadaama Kooramkii loo baahnaa aysan soo xaadirin. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaannadii ka maqnaa fadhiga Baarlamaanka.

Kulankii maanta waxaa soo xaadirtay 104 xildhibaan, waxaana jiray xildhibaanno yimid kulanka balse diiday in magacyadooda ay ku qoraan warqadda-xaadirinta xildhibaannada, taas oo ka dhigneyd in aysan raali ka aheyd joogitaanka fadhigii baarlamaanka ee maanta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia