3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
R/Wasaare Khayre oo xarigga ka jaray Xafiisyo lagu qabto Cabashooyinka dadweynaha

 
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee laxiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaad Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaA si rasmi ah xarigga uga jaray xaruntaasi,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro katirsan Xukuumadda oo uu kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda.

Xafiisyadan ayaa waxaa ka howlgalidoona sharciyaqaano, kuwaasi oo si mutadawacnimo ah bulshada ugu sameyndoona latalin dhinacyada sharciga iyo Cadaaladda, iydoo uu halkaasi imaandono muwadinkasta oo Soomaaliyeed oo qaba tabashooyin.

“Waxaad uga mahadcelinayaa Wasaaradda Cadaaladda oo hirgelisay Xafiisyadan,tani waxay qeyb ka tahay qorshaha horumarinat Cadaaladda,waxayna Xukuumaddu ay xoogga saaridoontaa sidii horumarin loogu sameyn lahaa arriamaha Cadaaladda iyo garsoorka oo muhiim u ah Dalka”, Ayuu yiri R’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa uu guddoomay ilaa 18 sharciyo oo ay ku wareejisay Wasaaradda Cadaaladda,si loo hor geeyo Golaha Wasiirada,waxaana sharciyadaasi soo diyaariyay qaar kamid ah Wasaaradda Cadaadda Dalka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
9/11/2017 10:36 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.

9/11/2017 10:05 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Wadahadalada labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socdey magaalada Caynabo Somaliland iyo Khaatumo ayaa soo dhamaaday kaas oo ay labada dhanacba sheegeen in lagu guulaystey.

9/11/2017 9:33 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn hotelka Weheliye wadadda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

9/11/2017 4:29 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Xildhibaannada Aqalka sare ayaa dib u dhigay dooddii ay maanta ka yeelan lahaayeen go’aankii ay xukuumada ka qaadatay kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya.

9/11/2017 4:01 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo ay saaka aroortii la wareegeen Maleeyshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ayaa haatan lagu soo warmayaa in ay xaaladeedu tahay mid kacsan, ayadoo xoogaggii Alab-shabaab ee saaka soo weeraray ay isaga baxeen.

9/11/2017 2:27 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa sheegay mashruuca lagu shaqaalleysiinayo 1,000-ka dhallinyaro in ay u-jeedkiisa tahay sidii dhallinyaradaasi ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dagaalka ka socda dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Abuu Muscab oo ah Afhayeenka kooxda.

9/11/2017 1:49 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya loo diyaarinayo sidii ay ciidamadda AMISOM ugala wareegi lahaayeen guud ahaan Ammaanka Dalka, taasi oo haatan qorsheheeda uu socdo.

9/11/2017 1:20 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa maanta lagu wadaa in ay cadeeyaan mowqif-kooda ku aadan wareejintii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo go’aankii kasoo baxay golaha wasiirada ee ku saabsanaa arrinta jabhadda ONLF.

9/11/2017 12:42 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Saddex nin oo Bistoolada ku hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe Suuqa Bakaaraha ku dilay qof dumar ah, iyagoona dilka kaddib goobta ka baxsaday.

9/11/2017 12:21 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa saaka dagaal xooggan kula wareegay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.