4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Qarax khasaare dhimasho sababay oo goor dhaw ka dhacay maqaaxi ku taala magaalada Beledweyne

 

Axad, September, 10, 2017 (HOL) -- Qof ismiidaamiye ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa goor dhaw weerar ku qaaday maqaaxi ku dhaw koontaroolka hore ee laga gallay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.

Dad shacab ayaa ku dhintay qarxa oo ahaa mid weyn oo laga wada maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Beledweyne, waxaana goobta uu ka dhacay ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira dad qaba dhaawacyo kala duwan ah oo la dhigay goobaha caafimaadka, halka meydadka dadkii ku dhintay qaraxa qaarkood wali goobta yaallaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]