4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Jabhadda Muslimiinta Rohingya oo iskeeda ugu dhawaaqday in ay xabbad joojisay, baaqna u dirtay dowladda

 
Axad, September, 10, 2017 (HOL) –Warbaahinta gudaha dalka Myanmar, ayaa maanta wariyay in Jabhadda Muslimiinta Rohingya ee ka dagaallanta gudaha dalka Myanmar ay iskeed ugu dhawaaqday xabbad joojin.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in xabad-joojintaasi ay dhaqan-gelleyso maanta oo Axad ah, waxaana ay ugu baaqeen dowladda in ay qaataan xabad-joojinta,  si gargaar bani'aadannimo la gaarsiiyo galbeedka fog ee dalkaasi.

Jabhadda oo lagu magacaabo Arakan Rohingya Salvation Arm ayaa laba todobaad ka hor weerar ku qaaday ilaa 30 saldhig oo ay leeyihiin booliska iyo milateriga Myanmar, waxaana sidaa ku bilowday colaadda hadda ka taagay gobolka Rakhine.

Ku dhawaad 300 oo kun oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka soo qaxay Myanmar labadii todobaad ee ugu danbeeyay. 

Win Myat Aye oo ah wasiirka dib u dajinta ayaa sheegay in ay dowlada ogolaan doonto oo kali ah in ay soo laabtaan dadka ku noolaa Myanmar islamarkana haysyta dhalashada dalkaasi.

Arrintani ayaa waxa ay micnaheedu tahay in ay kooban tahay tirada ku soo laaban karta Myanmar maadaama inta badan dadka Rohingya loo diiday dhalashada iyo muwaadinimada Myanmar.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia