4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Daawo: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliland oo sheegay in ay wadaan Mooshin ciidamo loogu dirayo Muslimiinta Rohingya

 
Axad, September, 10, 2017 (HOL) –Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay inay wadaan mooshin ay ku ansixinayaan sidii ciidamo loogu diri lahaa Muslimiinta Rohingya si ay u difaacaan, waxaa uuna Madaxweynaha Turkiga ka dalbaday inay usoo diraan diyaaraddo lagu qaado ciidankaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa canbaareeyay qaabka ay xukuumada Myanmar ula dhaqmayso Muslimiinta Rohingya.

War-saxaafadeed uu soo saaray madaxwaynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin qaabka bina'aadanimada ka baxsan ee ciidamada ammaanka ee xukuumada Myanmar ay ula dhaqmayaan bulshada Rohingya.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay dowlada Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina'aadanimo ay gaarto dadka u baahan.

Halkan ka Daawo muuqaalka Xildhibaanka:-


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia