4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
Muxuu ka dhigay yahay go’aanka maxkamada sare ee Kenya ay ku baabi’isay doorashadii Uhuru Kenyatta

 

Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Warka ugu weyn guud ahaan marka la eego Qaaradan Africa waa go’aanka ay gaartay maxkamada sare ee Kenya oo taariikhda inta la ogyahay ku tilmaamtay doorasho mid aan waxba ka jirin.

Maxkamada sare ayaa go’aamisay in aysan waxba ka jirin doorashadii dhacday 8dii bishii Augusto ee ina dhaaftay, madaama sida ay maxkamadu sheegtay aysan u dhicin hab waafaaqsan xeerka doorasho ee dalkaasi Kenya.

Garsoorayaasha oo Labo u kala jabay ayaa Afar ka mid ah waxaa ay isku raaceen in qaladaadka dhacay ay dhaawaceen hanaankii doorashada, halka labo garsoore kale arintaan ka soo horjeesteen, mid ka mid ah garsoorayaasha ayaan maqnaa sababo la xiriira caafimaadkiisa.

Horay siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa shaki badan ka qabay go’aanka ka soo bixi doono maxkamada, laakiin markan waxaa ay u soo dhaweeyeen natiijada ay soo saartay maxkamada si ‘’Kal Furan’’

 

Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaradka dacwada gudbiyay ayaa sheegay in go’aankan oo kale ah aan laga fileyn Qaarada oo dhan, waxaana uu tallaabada maxkamada ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Caalamka guud ahaan marka la eego maxkamadaha saddex dowladood oo kaliya ayaa baabi’iyay natiijo doorasho kuwaa oo kale ah wadamada Ukraine 2004, Maldives 2013, Austria 2016, laakiin maxkamada sare ee Kenya ayaa noqoneysa tii Afaraad ee dunida gaartay go’aan noocan ah.

Waxay shaacisay in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho kale oo ay ku tartami doonaa Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga kuwaa oo helay codadkii ugu badnaa doorashada la baabi’iyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]