4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
Tirada ciidamada AMISOM oo la dhimayo dhamaadka sanadkan

 

Jicmo. September, 01, 2017 (HOL) – Gollaha amaanka Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii la soo dhaafay mudo kordhin u sameeyay howlgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana leysku raacay dhimo tirada ciidamada AMISOM dhamaadka sanadkan.

Qorshaha dhimista ciidamada AMISOM ayaa u gogol xaaraya sidii ciidamada Somaalia loo xoojin lahaa, marka ugu dambeysana loogu wareejin lahaa amaanka dalka.

Ciidamada AMISOM ayaa ka taageerada dowladda Soomaaliya dhinacyada amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyaga oo ka howlgala guud ahaanba gobollada dalka iyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]