4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2017
Xoogagga Hubeeysan ee Falastiin oo sheegay in ay ka jawaabcelin doonaan Weerar ay Isra’il ka fulisay dhulka Falastiin
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) -Xoogagga Hubeeysan ee Falastiin ayaa wacad ku maray in ay ka jawaabi doonaan weerar ay Isniintii Israel ka fulisay waddo marta dhulka hoostiisa (Tunnel) oo ku taal koonfurta magaalada Gaza, kaa oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, sagaal kalena ay dhaawacyo kazoo gaareen.

Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin Daa’uud Shehaab ayaa sheegay in ay jawaab celin ka sameyn doonaan falkaasi, isagoo xusay in ay xaq u leeyihiin in ay xuquuqdooda difaacdaan.

Warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay in Waddo marta dhulka Hoostiisa ay ciidamada cirka Isr’a'iil duqeeyeen.

“Wararku waxay sheegayaa in Israa’iil ay ilaa shan gantaal ku dhufatay waddo dhulka hoostiisa marta oo laga qoday bariga deegaanka Khan Yoonis, taasoo Israel ay sheegtay in ay ku wajahnayd dhanka dhulka ay maamulaan,” waxaa sidaa qortay wakaaladda wararka Falastiin ee Warfa.

Saraakiil u hadashay Israa’iil ayaa sheegay in Tuubada marta dhulka hoostiisa ay u dhawayd darbiga ay dhistay Israa’iil, ayna ku socotay howl lagu dhisayo, waxa ayna sheegeen in ay burburiyeen kadib mudo ay dabagal ku hayeen.

Dadka weerarka ku dhintay ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen dagaalyahanno ka tirsanaa Jabhadda Dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin.

Ururka Xamaas ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarka Israa’iil.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.