Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Waxaa gallinkii danbe ee shalay soo gaaraya magaalada Muqdisho madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Cabdi Xaanshi Carabey, guddoomiyaha baaarlamaanka Cali Gacal Casir iyo labadiisa ku-xigeen.
Horay waxaa magaalada Muqdisho u joogay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo khilaaf siyaasadeed ba’an uu kala dhaxeeyo madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waramaayaa in uu martiqaad u diray madaxweyne ku-xigeenka guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya mas’uuliyiinta sare ee maamulka.
Madaxweyne Xaaf ayaa si is daba joog ah ugu eedeeyay dowladda federaalka in ay hurineyso xiisada siyaasadeed ee ka dhax taagan maamulkiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]