4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay Agagaarka Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw ka dhacay Agagaarka Hotelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamar Weyne.

Qaraxan oo ahaa sida ay dad ka agdhaw goobta sheegeen mid Ismiidaamin ahaa ayaa waxaa xigan rasaas xoogan oo aan la ogeyn cida is weydaarsaneysa, wararka qaarna waxaa ay sheegayaan in kooxo hubeysan la dagaalamayaan ciidamada dowladda.

Gadiidka Gurmadka ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay oo halkaa ka so qaadaya dhaawacyada dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]