4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa goordhow ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax (Juxa), xildhibaano, siyaasiyiin, iyo saraakiil ciidan.

Xaaf ayaa ka qeyb geli doono shirka uu Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ku dhawaaqay inay Muqdisho ku yeelan doonaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo la filayo inuu maanta gelinka dambe bilowdo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qeybta VIP-da kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax (Juxa), iyo xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda deeganada Maamulka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]