4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2017
Kheyre oo la kulmay madaxweynaha dalka Turkiga

 

Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Rajib dayid Erdogan.

Madaxweyne Erdogan iyo Raiisul Wasaare Khayre ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dalka iyo xoojinta doorka dowladda Turkigu ka qaadanayso la dagaalanka Al-shabaab oo dowlada Somalia qorsheyneyso iney duulaan ku qaado dhowaan.

Khayre ayaa sidoo kale shalay la kulmay dhigiisa dalka Turkiga, isagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay ee ka jawaabta gargaarka loo fidiyay dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii 14kii bishan ka dhacay Muqdisho, waxaana maalintii xigtay Qaraxa Muqdisho oo gaaray wasiirka caafimaadka Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]