Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Waxaa xalay soo xirmay goobihii doorashada
madaxtinimada dalka Kenya, iyadoo hadda lagu howlan yahay tirinta codkii la
dhiibtay si marka danbe loo soo saaro natiijada kama danbeysta ah cidda ku
guuleysatay doorashada ku celiska ah ee dalkaasi mar kale ka dhacday.
Laakiin dhinaca kale marka la eego doorashadan waa ay ka duwaneyd tii dalka dhacday 8dii bishii August ee
sanadkan marka la eego dhinaca dadka u soo baxay in ay codeeyaan, madaama
deegannada ay ku xoogan yihiin mucaaradka aan laga codeyn.
Rabshado ayaa jiray oo meelaha qaar waxaa laga soo sheegayaa in ay jirto
dhimasho kaddib markii ay isku dhaceen dad dibadbaxayay iyo ciidamada
booliiska.
Lama oga sida uu noqon karo xaalka dalka Kenya marka ugu danbeysa ee lagu
dhawaaqo natiijada doorashada oo loo badinayo in uu ku guuleysan doono
madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay taageerayaashiisa siweyn ugu soo baxeen
codbixinta.
Raila Odinga ayaa goor hore ugu baaqay taageerayaashiisa in ay ka hor yimaadaan
doorashada, islamarkaana qaaddacaan, taasoo keentay dibedbaxyo rabshado wata oo
hareeyay qeybo ka mid ah dalka.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]