4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2017
Al-shabaab oo Dhagax ku dilay Haweenney dhashay Siddeed Carruur ah

 

Jimco, October, 27, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe waxaa ay meel fagaaro ah xukun Dhagax ku dil ah ku fuliyeen haweenney Siddeed Carruur ah dhashay oo  ay ku eedeeyeen in ay labo Nin is guursatay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haweenaydaas ay ka tagtay nin hore u qabay kadib markii ay taageero ka weyday kadibna ay waalidkeed ka dalbatay in laga furo taasi oo ay sameeyeen.

Laakiin wararka kale arrinta haweeenneydan ku saabsan ayaa sheegaya in Ninka hore uu ka adkaystay furitaankeeda balse Waalidiinta oo adeegsanaya culimo ay ka fureen. 

Waxaan si madaxbannaan loo xaqiijin in haweenaydaasi ay laba nin isku mar guursatay. Waxaa kale oo aan la xaqiijin in haweenaydan ay qiratay arrintaasi maadaama maxkamadaha Al-Shabab aysan ahayn kuwa dadweynaha u furan.

Al-Shabab ayaa magaca haweenayda ku sheegay Xabiiba Cali Isxaaq, waxaana la sheegay inay da’deedu tahay 30 sano jir. Xabiiba Cali Isxaaq ayaa noqonaysa qofkii labaad ee sannadkan gudihiisa ay Al-Shabab ku dilaan dhagax.

Bishii May ee sannadkan ayaa deegaanka Raama Caddey Al-Shabab waxay sidaasi oo kale dhagax ku dileen nin lagu magacaabo Dhaayow Maxamed Xasan oo lagu eedeeyey inuu sino gaystay taasi oo aan sidaasi oo kale loo xaqiijin si madaxbannaan.

Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha Al-shabaab ay ku fuliyeen isla sanadkan xukunka dhagax ku dilka ah iyaga oo u sii maraya maxkamadahooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]