4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2017
Taliska Booliiska oo dhaqaale ugu deeqay dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Zoobe


Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) –Munaasabad maanta lagu qabtay xarunta School Police –yo ayaa looga dhawaaqay deeq lacageed oo taliska booliiska Soomaaliyeed ugu deeqay dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe KM5 magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid [Saacid] oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhacdadii Zoobe laga barto, islamarkaana isku muujiyaan umadda Soomaaliyeed dareen Amni iyo in leyska xil saaro sidii leysku barbar taagi lahaa dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Zoobe.

Taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu deeqay dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxa lacag dhan $ 61,990 dollar [Lixdan iyo Kow Kun Sagaal Boqol iyo Sagaashan Dollar] oo lagu wareejiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo ka qeybgalay munaasabada.

Dhinaca kale taliska booliiska Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeey geeridii ku timid Jen Maxamed Abshir Muuse oo ahaa taliyihii ugu horeeyay ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabada ayaa intii ay soctay waxaa shahaado Sharaf lagu gudoonsiiyay xarumo iyo shaqsiyaad loo arkayay in ay qeybweyn ka qaateen gurmadkii loo fidiyay dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Zoobe, waxaana xubnaha Shahaaddada la guddoonsiiyay ka mid ahaa saraaakiil ka tirsan ciidamada booliiska.

Dhinaca kale, isla munaasabada ayaa lagu soo gabagabeeyay tababar loo soo xiray saraakiil ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo la baray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]