Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Qoraal ay soo saareen
danjirayaasha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi ayey ku sheegeen in ay
si murugo leh isha ugu hayaan arrimaha doorashada ee ka socda Kenya.
Waxay sheegeen
inay ka xun yihiin wax ay ugu yeereen "faragelinta sii socota ee labada
dhinac ay ku wiiqayaan hawlaha madaxa banaan ee guddiga doorashada, garsoorka
iyo hay'adaha kale ee lagama maarmaanka u ah".
Waxay hadalkooda ku
cambaareeyeen weerar la sheegay in lagu qaaday qof ilaalo u ahaa ku xigeenka
guddoomiyaha maxkamadda sare.
Waxay sheegeen
inaysan jeclaysan in fadhigii maxkamadda sare ee shalay uu qabsoomi waayo,
inkastoo ay jeclaayeen in kiiska doorashada doorashada go'aan laga gaaro inta
aan la isku celin.
Dadka dalka Kenya ayeey ugu baaqeen inay muujiyaan
deganaan oo ay ku dhaqmaan mabaadii'da dastuurka. "Kenya waxay khatar ugu
jirtaa inay lumiso wixi ay hanatay tan iyo 2008, ilaa iyo ay dadku isu
yimaadaan wakhtigan xasaasiga ah mooyee, si ay u dhawraan dimoqaraadiyadooda
iyo aasaaska xorriyaadkooda" ayeey yiraahdeen.
Qoraalka waxaa wadajir u soo saaray madaxda ergooyinka
diplomaasiyadeed ee Nairobi u fadhiya Maraykanka, Midowga Yurub, |Finland,
Norway, Netherlands, Denmark, Faransiiska, Australia, UK, Switzerland, Sweden,
Germany, Canada, Talyaaniga iyo Beljam.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]