Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) –Cabdiraxmaan Caynte oo madaxwaynaha Soomaaliya u magacaabay
Safiirka Soomaaliya u fadhiya doona dalka Ingiriiska ayaa xilkii safarnimo iska
casilay,
Safiirka hore ee ingiriiiska ayaan kula xiiriiray bartiisa arimaha
bulshada ayaa ii xaqiiyey is casilaadiisa uu iigu sheegay arimo isaga u gaara.
Cabdiraxmaan Caynte oo ahaa Wasiirkii hore ee wasaarada
Qorshaynta iyo Xiriirka Caalimiga ah ee
dowladii hore ee Soomaaliya uu hogaaminaayay Madaxwayne Xasan Sh Maxmaud,ayaa
ii sheegay in loo magaacabay Agaasimaha Siyaasada iyo Qorsheynta ee
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Bariga dhexe,isagoo ka hawlgali doona dalalka kala ah Falastiin, Siiriya, Lubnaan, Jordan & Masar.,waxaaana xilkaan u magacowday hay'adda Qaramada Midoowday.
Cabdiraxmaan Caynte xilkaan uu iska casilay ayaa loo magaacabay
xili laga joogo Afar bilood bishii Juun 2017ka ,xiligaas oo ku beegneed goortii
uu socday shirkii magalaada Londan looga hadlaayay arimaha Soomaaliya ,
Safiirka is casilay Cabdiraxmaan Caynte
oo xilkaas ku magacaabnaa mudadaas Afarta bilood ah ayaan Dowladda
Ingiriiska wali kala wareegin waraaqahii
aqoonsiga ee safiirnimo.
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]
Minneaplis MN