4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2017
Iska horimaad ka dhacay dulleedka magaalada Muqdisho

 

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Dagaalyahanno loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab ayaa saaakay weerar Dhabo-Gal ah ku qaaday ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa  AMISOM xili ay marayeen meel aan ka fogeyn inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo Lafoole ee duleedka  Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM lagu weeraray Garneellada Garbaha laga tuuro iyo rasaasta qorshaha darandooriga u dhaca.

Ciidamada AMISOM ayaa ku jawaabay rasaas culus, taa oo keentay in iska horimaad kooban uu dhaxmaro labada dhinac.

Dadka deegaannadan lagu dagaalamay ayaa warbahinta u sheegay in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo gaaray dad saarnaa Gaadiidka kuwa Dadweynaha ah oo goobta marayay.

Xaalada goobtii lagu dagaalamay ayaa haatan degan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo hadda goobta Gacanta ku haya.

Shabeellaha hoose waxaa inta badan ka dhacay dagaalo u dhaxeeya xoogagga Al-shabaab, ciidamada dowladda iyo kuwa MISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]