Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad
gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhinaca kalana guuddoomiye ka
ah madal ay ku midoobeen madaxweynayaasha maamullada dalka ka jira, ayaa
sheegay in ay aqbaleen ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee
28ka bishan ka dhacaya Muqdisho.
‘’Anniga oo ku hadlaya Afka madasha maamul gobolleedyada
dalka waxaan rabaa in aan bulshada
Soomaaliyeed u cadeeyo in aan aqbalnay martiqaadkii madaxweynaha Soomaaliya,
islamarkaana dhamaanteen ka qeybgali doono shirka 28ka ka furmaya Muqdisho’’
ayuu yiri madaxweyne Cabdiwali Gaas.
Shirka ayuu sheegay in ahmiyada ugu weyn la siin doono sidii
labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen hormarinta sharuuc la wada leeyahay oo leysla ogyahay si marka
danbe looga fogaado ayuu yiri in dhinacyadu isku eedeeyaan in la baalmaray
sharuucdii la wada dhigtay.
‘’Shirkan waa shir u gogol xaaraya in la dhigto sharuuc iyo
nidaam leysla og yahay oo aan marka danbe leysku eedeyn, si ay u yaaraato
xasarada siyaasadeed, loona yeesho wada shaqeyn dhab ah’’ ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa oo ka qeybgalay munaasabadii caleemo
saarka madaxweyne Waare ayaa kulan wadatashi ah kula qaatay magaalada Jowhar
madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo guddoomiye ku-xigeen
ka ah madasha ay ku mideysan yihiin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada,
waxaana muuqata in shirka labada mas’uul uu la xiriiray kulanka uu ku baaqay
madaxweyne Farmaajo oo ugu danbeyntii Cabdiwali Gaas ku dhawaaqay in ay aqbaleen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]