4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2017
Uhuru Kenyatta : Doorashada Kenya waxey dhaceysa Khamiista todobaadkan

 

Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan baaqan doonin doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo Khamiista, haddii mucaaradku diidaan iyo haddii kalaba.

Isaga oo magaalada Nairobi kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, ayuu Uhuru sheegay in doorashadu u qabsoomi doonto sidi loogu tala galay, waxuu ka codsaday taageerayaashiisa in ay six oog leh ugu codeeyaan.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ka laabtay musharaxnimadiisa, kadib marki uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn hannaanka doorashada.

Dadka la socda arrimaha siyaasada Kenya ayaa ka digaya cawaaqib ka dhalan kara doorashadani haddii aysan ka qeybgalin mucaaradka iyo haddii aysan u dhicin si xalaal ah.

Xigashada Warkan : VOA 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]