Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Dibadbax ballaaran oo ay
ka qeybgallayaan dadweyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa
waqtigan ka soconaya magaalada Muqdisho.
Garoonka kubadda
cagta ee Banaadir waxaa hadda ka socdo dibadbax weyn, waxaana aad loo adkeeyay
amniga, iyadoo halkaa ay ku sugan yihiin madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo
Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale
dhallinyaro maryo gaduudan madaxa ku xirtay ayaa socod ku maraya jidadka
magaalada Muqdisho, waxayna xirayeen xarumaha ganacsiga ee furan ayagoo dadka
ka dabanaya in mudaaharaadka ka qeybgalaan.
Dhinaca gobollada,
Magaalada Baydhabo waxaa isugu tagay kumannaan qof oo ku dhawaaqayay
"Al-Shabaab doonimeyno," waxaana la hadlay maamulka magaalada.
Beledweyne ayaa sidoo kale
waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo Al-shabaab laguna cambaareeynayay
qaraxii Zoobe.
Sidoo kale
magaalooyiin kale oo ay ka mid tahay Kismaayo ayeey isku soo baxyo ka dheceen, waxaana la arkayay dad u
badan dhallinyaro oo maryo gaduudan madaxa ugu xiran yihiin oo socod ku maraya
jidadka.
Qarixii ka dhacay
Zoobe wuxuu ahaa midkii ugu xoogga badnaa ee sababay dhimashadii ugu badnayd.
Sida dowladda ay shaacisay 281 qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 300 oo kalana
way ku dhaawacmeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]