4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2017
Madaxweyne Farmaajo ‘’ Al-shabaab farahooda ayaa ka muuqda Qaraxii Zoobe

 

Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Afka English-ka ayaa Al-shabaab ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen Qaraxii Zoobe ee galaaftay nolasha dadka badan oo Soomaali ah.

Al-shabaab ma aysan sheegan Qaraxan laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in faraha Al-shabaab ay ka muuqdaan Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 14kii bishan ka dhacay Isgoyska ugu mashquulka badan caasimada Muqdisho.

“Kani waa farahoodii waxa ka muuqada Qaraxan, waana wax ay sameyn jireen”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday beesha Caalamka in gacan lagu siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay haddii ay Al-shabaab ku guuleystaan dagaalka hadda socda ay fikirkooda qaldan sida uu hadalka u dhigay u gudbin karaan Yurub iyo America

Al-shabaab ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan gabi ahaanba Qaraxa waxaana uu madaxweyne Farmaajo yiri’’ “Waxaan u maleynayay in ay sheegan doonaan, laakiin waxay og yihiin in ay mas’uuliyad aad u weyn ay noqon laheyd”.

Qaraxan ayaa waxaa siweyn u cambaareeyay guud ahaanba caalamka, waxaana lagu tirinayaan in uu yahay Weerarkii ugu xumaan ee ka dhaca Soomaaliya inta taariikhda la xasuusto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]