4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2017
Qiimeyn lagu sameeyay habka loo bixiyo Baasaboorka Soomaaliya Sawirro


Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) - Khubaro arrimaha hubinta dukumentiyada u qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay u arkaan habka qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Imaanshaha wafdiga khubarada ah ayaa ka dambeysay kaddib safaro uu agaasimaha guud ee HSJ ku tagay dalalka reer Yurub oo uu kala hadlay in ay aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan Basaboorka Soomaaliya.

Ujeedada ayaa ah in shakiga iyo kalsooni darrada laga saaro dalalka hore u joojiyey in dalalkooda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga ah.

Wafdiga Khubarada ah oo ay wehlinayeen mas'uulyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee booliiska CID si ay u arkaan habka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu qaato Basaboorka Soomaaliga, waxayna xarunta CID kula kulmeen taliyaha laanta danbi baarista Booliiska Jenaral Saciid Cali Kadiye.

Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta dad dhigista ee gobolka Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada dhalashada iyo Sugnaanta.

Khurbada ayaa soo gaaray xarunta dhexe ee bixinta Baasaboorka Muqdisho waxayna mid mid u tageen xafiisyada hay’adda si ay u arkaan habka bixinta Baasaboorka.

Agaasimaha guud ee HSJ Maxamed Aadan  Koofi ayaa casho sharaf u sameeyay wafdiga khubarada ah markii ay soo dhameysteen howlihii ay Soomaliya u yimaadeen, waxaana wafdiga ay Agaasimaha guud u sheegeen in hormar weyn uu ka muuqdo dhamaan xafiisyada loo maro qaadashada Baasaboorka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]