4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2017
Gudoomiyaha Baarlamanka dalka oo ka qeybgalay furitaanka kalfadhigii 4-aad ee baarlamanka Jubbaland [Sawirro]


Talaado, November, 07, 2017 (HOL) –Waxaa maanta gelinkii danbe magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubaland, kuxigeennadiisa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamanka Jubbaland.

Wafdiga Gudoomiyaha waxaa wehlinayay masuuliyiin ka socotay aqalka sare ee baarlamanka dalka.

Soo dhaweyn kadib wafdiga Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa ka qeybgalay xafladdii furitaanka kalfadhigii 4-aad ee baarlamanka Jubaland, waxaana uu halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan.

Gudoomiyaha baarlamanka ayaa bogaadiyay hannaanka uu u shaqeeyo baarlamanka Jubaland, isagoo sheegay in ay garab istaagi doonaan islamarkaana ka caawin doonaan waxyaalaha muhiimka ah ee ay awoodaan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Kismaayo ay xarun weyn oo xafiisyo kala duwan leh uga dhisi doonaan baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axm’ed Max’ed Islaam oo furitaankii Kalfadhiga ka hadlay ayaa uga mahadceliyay wafdiga uu hogaaminayay gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ee Kismaayo soo gaaray, isagoo xusay in ay arrintan dhiiri gelin u noqoneeyso baarlamannada dowlad goboleedyada dalka.

Gudoomiyaha baarlamanka ayaa mudooyinkii u danbeeyay safarro kala duwan ku bixinayay xarumaha dowlad goboleedyada dalka, isagoo hore uga qeybgalay furitaankii kalfadhigii baarlamanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.