4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2017
Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada oo hortagay xildhibaannada Aqalka sare


Isniin, November, 06, 2017 (HOL) –Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka qeybta ka ah dowladda federaalka oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta hortagay mudanayaasha Aqalka sare.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay  Abshir Maxamed Axmed guddoomiye Koowaad ee gollaha Aqalka sare.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Aqalka Sare ay matalaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyaga halkaas ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday shir ay la lahaayeen madaxda dowladda federaalka oo looga wada hadlayay xiriirka ka dhaxeeya dhameynta khilaaf waayadii ugu danbeeyayba taagnaa, waxaana ay wada jir u soo saareen war-murtiyeed lagu qeexay qodobada lagu heshiiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]