4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Jubbaland oo u diyaar garoowday dagaal ka dhan ah Al-shabaab

 

Sabti, November, 04, 2017 (HOL)- Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Cabdirashiid Maxamed Xasan Nuur oo ah wasiirka Amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala-galay in ay dagaal la galaan dagaalyahannada Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah u tababar, waxaana uu sheegay in la fulinaayo Amarkii madaxda dalka ee ahaa in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

“Amarkii Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa la fulinayaa, sidaa daraadeed waxaa diyaar u nahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ”ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland.

Hadalka ka soo baxay wasiirka Amniga Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ay soo galeen ciidamo tiro badan oo ka socda dowladda Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]