4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2017
Somalia oo ka qayb-gashay shir-weynaha Guddiyada Olimbikada adduunka oo lagu soo Gaba-gabeeyay Prague


Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -Guddiga Olimbikada Somalia ayaa magaalada Prague ee dalka Czech Republic uga qayb-galay shirka sanadlaha ah ee guddiyada  Olimbikada  adduunka, kaasi oo ay  ka soo qayb-galeen xubno matalayay wadamada caalamka.

Waxaa shirkan oo muddo seddex maalin ah socday  looga hadlay arimo muhiim ah oo la xiriira ciyaaraha olimbikada iyo sidii loo daryeeli lahaa ciyaar-yahanada caalamka marka ay gaaraan waqtiga howl-gabka.

Qorshahan ayaa la isla qaatay in uu si rasmi ah u dhaqan-galo inta la gaarayo sanadkan 2020-ka, waxaana goobta laga sheegay in dhibaatadan ay tahay mid haysata dhamaan ciyaar-yahanada adduunka qaybahooda kala duwan.

Somalia waxaa shirkan uga qayb-galayay gudoomiyaha xiriirka olimbikada mudane Cabdulaahi Axmed Tarabi iyo ku xigeenkiisa Ibraahim Abuukar Amiin ,waxaana kulankaas sidoo kale lagu xasuustay dhamaan hogaamiyayashi Sports-ka ee geeriyooday.

"Walaal shirkan waa kii 22-aad oo la qabto ayna ka soo qayb-galaan xubnaha ku jira guddiga olimbikada adduunka, ka Somalia ahaan ,waxaana kulamo gaar-gaar ah la qaadanay dhamaan madaxdii kulanka isugu yimid " ayuu yiri Gudoomiye Tarabi oo la hadlay HOL.

Waxa uu sheegay in xubnihii ay la kulmeen oo ay ku jirto guddiga olimbikada ee Qadar ay ka codsadeen sidii soomaaliya looga taageeri lahaa dhismaha garoomo caalami ah oo isugu jira qaybo kala duwan sida kuwa orodka ,kubadda cagta iyo waliba kuwa ciyaaraha fudud.

Madaxdii furitaanka shirkan ka hadashay waxaa kamid ah Thomas Batch oo ah madaxweynaha olimbikada iyo xubno kale oo ah oo uu ka yahay Shiekh Ahmed Al-fahad oo kamid ah madaxda guddiga Olimbikada adduunka.

Ugu danbayn, qodobada kale ee kulankan sanadlaha ah lagu soo hadal qaaday waxaa kamid ah musuq-muusaqa , xill xubno ka tirsan guddiga ay wali wajahayaan baaritaano la xiriira in ay ku kaceen musuq-maasuq intii ay xafiiska joogeen.

Faysal M. Hassan
[email protected]