Jimco, November, 03, 2017 (HOL) - Rabshado ayaa ka dhacay fagaaraha Bandhiga awooda doorashada
KULMIYE oo ahayd maaiintii shanaad, kadib markii ay dhalinyaro gadoodsan shiid
ka bilaabeen dadka isu soo baxay dhexdoodii.
Fagaarahan oo ay isu soo bexeen
kumayaal dad ah oo taageersanaa xisbiga kulmiye iyadoo uu halkaasi ku sugnaa
gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ahaa kii ugu taageerada Bdanaa.
Lama sheegin qasaare weyn oo
halkaasi ka dhacay, walow la sheegay dad qasaare dhagxaani soo gaadhsiiyeen
lagu daweynayey goobaha caafimaadka ee magaalada Laascaanood.
Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee
Xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde oo Hiiraan Online u waramayey ayaa sheegay in ay
dad yar ahaayeen oo dhagxaan tuurayey, ciidanka oo islahaa yaanay qasaare
dhicina waxa kor u rideen rasaas.
"Maanta si wacan ayay dadku
isugu soo bexeen, waxaana laga dheehanayaa muulka guud ee bulshada iyagoo
rabitaankooda muujinaya, wixii dhacayna cid waliba ha ka danbaysee waxba ma
yeelin, sidii loogu talagalayna waa ku dhamaatay" ayuu yidhi Xuseen A.
Cadde.
Rabshadahan oo Khalkhal xoog leh
gelisey maalin muhiim u ah xisbiga Kulmiye ayaa la sheegay in ay bilaabeen
dhalinyaro ka cadhaysan kooxo fanaaniin ah oo halkaasi heeso ka soo jeedinayey,
iyadoo dhawrjeer oo hore dhalinyarada Fanka Laascaanood loo diidey in ay
munaasabado fanka qabtaan.
Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirsan
xisbiga kulmiye ayaa sheegay in ay tahay arintani tahay abaabul ay soo
sameeyeen WADDANI oo ay doonayaan in sharafta KULMIYE lagu dhaawoco.
Gobolka Sool oo aan awel cid badani
ka codayn jirin ayaa sanadkan codoka yaalaa aad u badan yihiin, waxaana
xisbiyada tartamaya ay muhiim ugu tahay maadaama gobolada kale qaababka
taageero ee wax looga holo la yaqaaney haatan gobolkani uu ku cusub yahay
taasina waata muhiimka ka dhigtay.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool