4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2017
Duqeyn lagu bartilmaameedsaday Ururka Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya

 

Jimco, November, 03, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn, loo maleynayo in lala beegsaday madaxda Ururka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim.

Deegaankan duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Ma cadda weli cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen guuxa diyaarado kuwaasoo loo malaynayo in ay duqeyntan geysteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]