4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2017
IMF : Dhaqaalaha Africa waa uu kobcayaa

 

Jimco, November, 03, 2017 (HOL) -- Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa waxa ay sheegtay in sanadkan uu laba jibaarmo dhaqaalaha wadamada Afrika ee ka hooseeya saxaraha, kadib markii sanadkii hore uu kordhay 1.4%.

IMF ayaa saadaalisay sanadka 2018-ka in kororka dhaqaalaha uu gaari doono 3.4%, Saddex meelood meel dhaqaalaha wadamada Afrika ee ka hooseeya saxaraha ayaa kordhaya 5%.

Agaasimaha IMF ee Afrika ayaa sheegay inuusan ka fileyn wadamada kale in kororkooda dhaqaalahooda uu soo gaaro heerkan oo kale.

“Waxaa jiri doonta xaalad 12 ka mid ah 45-ta wadan ee ka hooseeya saxaraha dadka ku nool wadamadaasi aysan arki doonin wax koror ah oo ku yimaada daqligooda, waxaanu ka hadleynaa 40% dadweynaha”ayuu yiri Agaasimaha IMF ee Afrika.

Hay’adda IMF ayaa sidoo kale taabatay walaac isa soo taraya oo dadka ay ka qabaan deymaha caamka ah ee sii kordhaya oo haatan u dhigma 50%, wax soo saarka wadamada ka hooseeya saxaraha.

Sidoo kale IMF ayaa sheegtay in wadamadda Afrika ay u baahan yihiin inay ka fikiraan siyaasadooda dhaqaalaha si ay u helaan koror dhaqaale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]