Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed
Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacayo oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka
maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed iyo Xildhibaano ka tirsan
maamulka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxda maamulka, Wasiiro, Xildhibaano, qeybaha
kala duwan ee bulshada iyo Xubno kale.
Ujeedka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay u gaareen magaalada Baydhabo ayaa
waxa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Sanad Guuradiii Saddexaad ee
Maamulka Koonfur Galbeed, oo dhawaan la qabanayo.
Madaxweyne Waare oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa uga mahad celiyay
maamulka Koonfur Galbeed soo dhaweynta ay u fidiyeen isaga iyo wafdiga la
socday, mudada uu jooganaya la kulmi doono mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada
intaba.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay madaxtooyada maamulka,
halkaasi oo ay kulan kula qaateen madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn
ee magaalada lagu arkayaa ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka Koonfur
Galbeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]