4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Sawir Muujinaya Gaarigii xamuulka ahaa ee isku qarxiyay Zoobe iyo mashquulka goobta qaraxa ka hor

 

Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Bil ayaa ka soo wareegtay Qaraxii lagu hoobtay ee 14kii bishii October ee ina dhaaftay ka dhacay Isgoyska Zoobe, waana qaraxii ugu weynaa oo Taariikhda soo mara Soomaaliya.

Hadaba bil kaddib waxaa la soo bandhigay Sawir muujinaya gaarigii xamuulka ahaa isku qarxiyay Isgoyska Zoobe ka hor inta uusan is qarxin, waxaana sawirkan qabtay kaamirada Qarsoon ee loo yaqaano CCTV oo ku xirneyd agagaarka Isgoyska.

Gaariga ayaa la arkayaa isaga oo ku soo socda dhinaca Isgooyska Zoobe kana yimid dhinaca Isgoyska Banaadir iyo wasaarada arrimaha dibada.

Sidoo kale waxaa sawirka ka arki kartaa gaarigii xamuulka ahaa ee siday Sokorta ee goobta  ku gubtay oo ku sii jeeda dhinaca waddada uu  ka soo socdo gaariga xamuulka ah is qarxinta geystay, waxaa kale oo sawirka kaga muuqanaya sida uu Isgoysku u ahaa mid mashquul badan daqiiqad ka hor inta uusan qaraxu dhicin.

 

Muuqaalkan ay duubtay Kaamirada Qarsoon ayaa waxaa laga sii daayay Telefishinka SNTV ee dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]