4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2017
NUUX TAANI “Waxaan ogahay in xadka Somaliland uu sugan yahay, cid ku soo xadgudbi kartaana ma jirto”

 

Axad, November 12, 2017 (HOL)- Taliyaha guud ee ciidamada Militariga Somaliland Gen: Nuux Ismaaciil Taanni ayaa sheegay inuu xadka Somaliland xidhan yahay,isla markaana aanay jirin dhibaato ka jirta dhinaca Maamulka Puntland.

Nuux Taanni ayaa sheegay in aanay wax khilaaf ahi ka jirin Somaliland iyo Puntland,isla markaana waxa uu ka digay in hadii dhibaato ka dhaco xadka cid kale ka faa’iidan karto.

“Puntland jaar baanu nahay oo ma doonayno in wax dhibaato ah naga dhex dhacdo, khilaafka labadda naga dhex dhacaana waxa uu abuuri karaa inay dad kale ka faa’iidaystaan”ayuu yidhi Taliye Nuux Taanni.

Waxa kale oo uu sheegay inuu xadka Somaliland sugan yahay oo aanay jirin cabsi ka jirta iyo dhibaaato ka dhici kartaa, waxaanu yidhi “ waxaan ogahay in xadka Somaliland uu sugan yahay, cid ku soo xadgudbi kartaana ma jirto, cidii ku soo xadgudubtay waa cid badheedhay maamulkaasi puntland kama filayno, hadalka warbaahinta la marinayo iyo siday wax u jiraan way kala duwan yahay, illaa hadda wax dhibaato ah oo weyn ma hayno.”

Hadalkan waxa uu jawaab u yahay hadal ka soo yeedhay maamulka Puntland oo sheegay in aanay doorasho ka dhici Karin goboladda Sool iyo Sanaag, taas oo sababtay in ciidamadii xadka joogay heegan la galiyey si ay u ilaaliyaan in aanay dhibaato ka dhicin goobaha doorashaddu ka dhacayso.

Dhinaca kale, Somaliland waxa loo diyaar garoobay doorashada maalinta Barri ka dhici doonta, waxaana magaaladda Hargeysa ilaa maanta ka baxayey dad faro badan oo ka soo codeynayey deegaanadii ay kaadhadhka ka qaateen, isla markaana markasta oo doorasho dhacdo badi dadweynuhu waxay dib ugu noqdaan deegaanadoodii oo ay ka soo codeeyaan, waxaana gabi ahaanba la xidhayaa gaadiidka oo wax gaadiid ahi aanay Barri ka shaqayn doonin magaaladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.