4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2017
Puntland oo ciidamo geysay Barriga gobolka Sool

 

Axad, November, 12, 2017 (HOL) - Xiisad Colaadeed ayaa ka bidhaamaysa Barriga Gobolka Sool kadib markii ciidamo Puntlan ka socda la keenay degaano aanay horay u joogi jirin oo ka tirsan degmada Taleex.

Ciidankan ayaa la sheegay in ay ka hortegayaan doorashada madaxnimada Somaliland.

Xidhiidh aan la samaynay degaano badan oo ka tirsan degmada Taleex ayaa waxa sheegeen in ciidamo tiro badan degaanka soo baleen.

"Magaalada Carooley waxaa yimid ciidan badan oo Somaliland ah, Puntlandna waxaa ay ciidamo keentay meel ku dhowaad 20Km. Koonfur Barri uga beegan ayeey keeneen" sidaa waxaa yiri Cumar Cismaan oo ku sugan Carooley oo Laascaanood 100Km. Barri kaga beegan.

Sidoo kale waa warkan Hiiraan Online u xaqiijey Maxamuud Sulub oo sheegay isagoo ku sugan Tukaraq oo 52Km. Bari kaga began Laascaanood in ciidamo Puntland ka socdaa ay degaano badan yimaadeen.

Sikastaba ha ahaatee waa lama huraan in Puntland ay isku daydo qashqashaada Doorashada taas oo sababi karta in la kansalo goobaha codaynta Somaliland iyadoo gudiga doorashooyinka ay dhawrjeer soo qaadeen talaabada laga qaadayo Bariga Sool iyo Barriga Sanaag oo Puntland balan ku qaaday in ay weerar ku qaadayso.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]