4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2017
Ururka Al-shabaab oo beeniyay in la weeraray saldhigoodii ugu weynaa degmada Jilib

 

Axad, November, 12, 2017 (HOL) - Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan Al-shabaab Cabdicasiis Abuu-Muscab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay in ay bur buriyeen saldhigii ugu ballaarnaa Al-shabaab ee degmada Jilib gobolka Jubbada dhexe.

Afhayeenka ayaa sheegay in sheegashada dowladda ee ah in ay weerareen degmada Jilib tahay mid aan sal iyo raad laheyn.

‘’Waa war aan sal iyo raad laheyn sheegashada ah in Jilib la weeraray, xitaa ma’ aanan maqlin weerar ka dhacay gobolka oo idil’’ ayuu yiri afhayeen Al-shabaab ee dhinaca howlgalada.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda dileen in ka badan 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab kaddib weerar ay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen degmada Jilib

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]