4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 11, 2017
Kenya oo lacag dul dhigtay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay magacyadda Sawirrad xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay dooneyso dowladda Kenya.

Waxaa ay sheegtay dowladda Kenya in raggaasi madaxooda la duldhigay Lacago badan.

Wasaaradda Amniga ayaa ku sheegtay magacyada raggan la doondoonayo Axmed Siciid Cumar iyo Cali Zira.

Kenya ayaa xustay in qof kaste oo keena xog u sahleysa laamaha amniga in ay soo qabtaan raggaasi in la siin doono 2Milayn oo Lacagta Kenya ah.

Dadka reer Kenya ayeey ka codsatay dowladda in ay ku gacansiiyaan soo qabashadda labadaasi nin.

Dowladda Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday in Madaxda Al-Shabaab ee dalka Kenya ay lacag duldhigto, waxaana dhawaan Wasaaradda Amniga ay sheegtay in ay dishay xubno horay lacag loo duldhigay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]