4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 11, 2017
Kulan magaalada Muqdisho uga furmay wasiirrada arrimaha gudaha DF iyo maamul gobolleedyada

 

Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa daah furay shirka wadatashiga wasaaradaha arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo loogu magac darray Hanaanka Qaran ee Wadajir ahaa waxaa furay wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya waxaana uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

Waxaa ka qeybgalaya kulanka wasiirrada arrimaha gudaha maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir oo qeyb ka ah shirka.

Mudada uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa wada shaqeynta u dhaxeysa u dhaxeysa DF iyo Maamulada dalka jira iyo sidoo kale baahinta maamulka dowladnimadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]