4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2017
Xisbiga WADANI oo dhoolatuskiisii ugu dambeeyey ku soo bandhigay Somaliland


Jimco, November 10, 2017 (HOL)- ololihii xisbiyadda ee saddexda toddobaad socday ayaa maanta soo gabogabowday, waxaana soo afjaray xisbiga mucaaradka ah ee WADANI oo isagu nasiib u helay inuu noqdo xisbiga ugu dambeeya ololaha asxaabta.

Ololahan ayaa 21 maalmood ka socday guud ahaan Somaliland, waxaana saddexda xisbi mid walba maalintiisa gaarka ah uu ku soo bandhigi jiray fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn.

Xisbiga WADANI ayaa si weyn iskugu soo baxay fagaarayaasha magaallooyinka waaweyn, waxaanu sheegay in guusha xisbiga ka hadhsan tahay maalinta doorashadda.

Doorashadda ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee bisha 13-keedda, waxaana labadda cishe ka sokeeya la galaya fasax, iyadoo hawl-wadeenaddii guddida doorashooyinka la kala diray, isla markaana dugsiyadii waxbarashadda la fasaxay si xarun uga dhigtaan guddida doorashooyinka,isla markaana hawl-wadeenada iyo qalabkoodda loo dhigto.

Dhinaca kale, waxa maalinta doorashadu dhici doonta gabi ahaanba la joojinayaa baraha bulshadda si aan warar aan jirin loogu soo shubin, iyadoo warbaahinta looga digay in aanay warar saadaal ah iyo natiijooyin hor dhac ah oo aan ka soo bixin guddida doorashooyinka aan la baahin Karin, taas oo ku jirta xeerka anshaxa saxaafadda ee guddida doorashooyinka iyo bahda saxaafaddu kala saxeexdeen.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu adkayd ee Somaliland soo marta, isla markaana aan la saadaalin Karin maadaama oo aad iskugu dhowaanayaan, isla markaana tiro yar uun lagu kala badin karo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.