4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug

 

Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweyne ku -xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal Casir iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayay xal u helida khilaafka Galmudug, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu bilaabo waan waan uu ka dhex wado Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

Kulanka ayaa la sheegay in uu hordhac u yahay kulan guud oo la faliyo in uu dhaxmaro madaxda maamulka Galmudug ee Khaliifku u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmo ka hor mas’uuliyiintan ugu yeeray inay yimaadaan magaalada Muqdisho, si wadatashi loola yeesho, islamarkaana loo xaliyo khilaafka ka jira Galmudug.

Khilaafka ka dhex bilowday maamulka Galmudug ayaa ka dhashay go’aankii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana go’aankaas ka hor-yimid madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]