Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya ciidamada dowladda la wareegeen deegaanno ay horay u maamulayaan Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kala wareegeen Al-shabaab deegaanno hoostaga degmada Kuntuwaarey.
Saraakiisha ayaa sheegay in deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka dagaal culus oo ay la galeen Al-shabaab kaddib la wareegeen deegaannadaas.
Waxaa uu sheegay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi, isagoona sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa gobolka Shabeelaha hoose Al-Shabaab waxa ay ka wadeen Abaabul dagaal, waxaana ay la wareegeen degaanno badan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]