Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Nin
watay gaari kuwa xamuulka ah ayaa xalay dad badan ku dilay waddo aad
mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii
uu jiirsiiyay gaarigii uu watay.
Weerarkan Gaariga loo adeegsaday waxaa ku dhintay 8-qofood , waxaa sidoo kale
ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, kuwaa oo lagu daweenayo xarumaha
Caafimadka.
Ciidamada Booliiska oo soo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa caloosha
ka dhaawacay ninka dadka gaariga jiirsiiyay oo sidoo kale watay biskoolado fake
ah, waxaana ninkan hada lagu daweenayaa xarun caafimaad oo aad loo ilaalinayo.
Weerarkan waxaa fuliaya nin lagu magacaabo Sayfullo Saipov oo 29-sano
jir ah Asal ahaana kasoo jeeda dalka Uzbekistan , ninkan ayaana xiliga uu
dadka gaariga jiir siinayay ku dhawaaqayay Kalmada Allaahu Akbar.
Dowlada Mareykanka ayaa rumeesan in weerarkan uu yahay mid argagaxiso ay ka
dambeeyeen kooxda Daacish, waxaana weeraro nuucan ah kooxdan horey uga geesatay
Wadamo Yurub ku yaala.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]