4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2017
New York : 8 ruux oo lagu dilay Gaari la jiirsiiyay

 

Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 8 ruux ayaa lagu dilay tiro kale oo intaa ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, kaddib marki uu nin waday gaari kuwa xamuulka ah uu jiirsiiyay dad ku dhax socday waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Duqa magaalada New York Bill de Blasio, ayaa ku tilmaamay weerarkani ficil argagixiso oo lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo aanan waxba galabsan.

Gudoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo oo isna ka hadlay dhacdadani ayaa sheegay in aysan jirin daliil muujineysa in weerarkani uu qeyb ka yahay weerarro ballaaran oo dalka oo dhan ah.

Booliska ayaa sheegay in ninka baabuurka dadka ku dardarsiiyay New York uu ku qeylinayay “Allahu Akbar” marki uu kasoo dagayay baabuurka.

James O’Neill oo taliyaha ciidamada booliiska New York ayaa xaqiijiyay in qofka weerarka geystay caloosha laga dhaawacay isla markaana lagu daweynayo hadda isbitaal ku yaalla New Yorok. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in qofka weerarka geystay uu ahaa Sayfullo Saipov oo ah 29 jir u dhashay dalka Uzbekistan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]