4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 27, 2017
Magaalada Kismaayo oo laga daahfuray tartanka qur'aanka Kariimka ee Bisha Ramadaan


Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Tartankan oo ah mid la qabto sanad walba marka la gaaro bisha Barakeeysan ee Ramadaan ayaa waxaa ku loolama arday kala mataleeysa dugsiyada barashada qur'aanka kariimka ee magaalada Kismaayo.

Tartanka oo ay soo qabanqaabisay mu'assasada Al-ummah waxaana maanta si rasmi ah u daahfuray wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha diinta Aadan Inshaar Cumar,

Wasiir kuxigeenka oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tartankani yahay kan ugu wanaagsan ee la qabto, isagoo xusay in lagu jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan oo ah bishii uu soo dagay Qur'aanka Kariimka.

Tartanka ayaa dhex mari doona ardey kala mataleeysan dugsiyada barashada qur'aanka kariimka ee magaalada Kismaayo, ayadoo abaalmarinno qaali ah la gudoonsiin doono ardeyda kaalimaha hore ka gasha tartanka.

Labadii sano ee lasoo dhaafay ardeyda kaalinta 1-aad ka gala tartanka ayaa la gudoonsiiyay gaadiid nooca raaxada ah oo uu bixiyay madaxweeynaha Jubaland, waxaana la filayaa in marka uu soo idlaado tartanka ay ardeyda kaalimha hore gasha heli doonaan abaalmarinno qaali ah oo ay bixin doonto dowlad goboleedka Jubland sida uu sheegay wasiir ku xigeenka cadaaladda, dastuurka iyo arimaha diinta Jubaland.

Xasan Nuur, Hiiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.