4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2017
Maleeshiyaad labo Wiil oo walaal ah ku dilay gobolka Mudug

 

Sabti, May, 27, 2017 (HOL) - Maleeshiyaad hubeysan ayaa deegaan lagu magacaabo Caliwaal oo ka tirsan deegaanka Balibusle ee bariga gobolka Mudug waxaa ay ku dishay laba wiil oo walaalo ah, waxaana dadka deegaanka ay dilkan ku sheegeen in uu salka ku hayo aano qabiil.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay goobta ka baxsadeen, waxaana deegaanka Balibusle iyo nawaaxigiisa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnayd xiisad u dhaxaysa maleeshiyo xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xiisadahan ayaa ka dhashay Geel la dhacay, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa wada dadaalo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisada ka jirta bariga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalada u dhexeeya dadka reer miyiga ah ee kunool gobolka Mudug ayaa ah kuwo marar badan ku soo noq noqday goobahaasi iyada oo aysan jirin xal waara oo ilaa haatan laga gaaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]